Waa halkii Sheekh Mustafa laga hayay ee ahayd: “Ha ku dul heshiinina xabaalaha.” Markii la is laayo oo la daalo, dabadeedna la is xasuusiyo in ay nabad jirto, ayaa xal la raadiyaa, balse xalkaasi ma noqonayo mid waara, waayo waxay mar kale dib ugu laaban doonaan dhiig daadin. Waxaa foolxumo dheeraad ah ah in haween la is dhaafsado sidii xoolaha si loo helo xal, iyadoo markii dagaal dambe dhaco la kala ceshaddo ama ay dagaalka ku dhintaan. Abwaanku waxa uu tusaale u soo qaatay ummadaha kale ee kala diinta ah, kuwaas oo si nabad ah ugu wada nool dadyow kala afkaar iyo mad-hab duwan leh. Waa wax laga naxo in Soomaalidu, oo aan wax ku kala duwanayn, ay yihiin kuwa isku laynaya wax aan jirin darteed ama hummaag la isku sawiray. Waxaa dabar go’ay waayeelkii iyo waxgaradkii garta ku goyn jiray geedka hoostiisa, kuwaas oo si xaq ah wax u xukumi jiray. Waxaa beddelay kuwo dab hurinaya, xukunna ku ridaya reernimo iyo dana gaar ah. Duqayda dambe ma laha wax dareen ah, maadaama ay iyagu caruurtoodii dibadaha geeyeen, halka kuwa dagaalka loo adeegsanayo ay yihiin dhalinyarada laga soo ururiyay miyiga ee aan garanayn waxa ay u dhimanayaan.